Faafaahin:qarax ka dhacay gobolka hiiraan.

by admin | Friday, Dec 1, 2023 | 96 views

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo maanta ka dhacay degmada Halgan ee gobolka Hiiraan, kaasoo geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Halgan ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay hal qof oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay ilaa sadax ruux oo kale.

Qaraxa miino ayaa la sheegay in la dul saaray goob maqaaxi ah oo ku taala bartamaha magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan, halkaas oo la tilmaamay iney soo fariisan jireen qaar ka mid ah ciidamada difaaca deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda.

Kooxda Al-shabaab ayaa qaraxyada miino ee noocaan oo kale ah ka fulisa goobaha ay ku sugan yihiin qeybaha kala duwan ee ciidamada.

Xalay ayay aheyd markii xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay ku dileen laba wiil oo dhalinyaro ah deegaanka Tayeeg oo u dhaxeeya magaalooyinka Garasyaani iyo Halgan ee gobolka Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response