Guddiga Qaran ee kahortagga Lacag-dhaqista & Maalgashiga waxa loogu yeero ‘Argagixisada’ oo ka shiray dardargelinta howlaha horyaalla.

by admin | Friday, Nov 17, 2023 | 102 views

Kulan uu Magaalada Muqdisho ku yeeshay Guddiga Qaran ee kahortagga Lacag-dhaqista & Maalgashiga waxa loogu yeero ‘Argagixisada’ ayuu Guddigaan uga shiray adkeynta howlaha shaqo ee horyaalla si wax looga qabto caqabadaha ka dhalan kara.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa shir Guddoomiyay kulankaan oo ay ka qaybgaleen Wasiirrada Amniga, Ganacsiga, Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda & sirdoonka qaranka NISA, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Agaasimaha Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ee loosoo gaabiyo FRC.

Fadhigaan ayaa lagu go’aamiyay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta Guddigaan maadaama uu hayo howl muhiim ah oo looga hortagayo ‘Khatarta’ Bulshada Soomaaliyeed ay kala kulmi karto Lacagaha la dhaqo & maalgashiga waxa loogu yeero ‘Argagixisada’ oo qayb ka noqonaya howlgallada ka socda Dalka sida hadalka loo dhigay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dedaal xooggan ay gelisay kahortagga lacag dhaqista oo dhibaato weyn abuuri karta haddii aan laga hortagin waxa ay Hay’adaha u xilsaaran dhowr jeer ay sameeyeen howlgallo la xiriira arrintaan.

Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah ‘Maalgashiga Argagixisada’ uu qayb weyn ka yahay xoojinta looga soo horjeedo ‘AS’ ee Dowladda, Dowlad-Goboleedyada xubnaha ah iyo Dadka deegaanka ay iska kaashanayaan kaas oo wajigiisa labaad dhowaan loo gudbayo.

Like it? Share it!

Leave A Response