Tirada qoysaska ku barakacay fatahaada Baledweyne oo la shaaciyay iyadoo ay sii kordhayso cabsida dadka ku dhex go’doosan Baledweyne.

by admin | Friday, Nov 17, 2023 | 121 views

24-kii saacadood ee lasoo dhaafay waxaa kor u sii kacay heerka biyaha wabiga Shabeelle ee ku fatahay biloowgii todobaadkaan dhamaan xaafadaha magaalada Baledweyne.

Kororka biyaha wabiga Shabeelle ayaa yimid, kadib markii saacadahii lasoo dhaafay roobab xoogan ay ka da’een deegaanada dhaca dhinaca Waqooyi ee magaalada Baledweyne, islamarkaana waadiyaasha ay kusoo shubeen daadadka ka dhashay roobka Wabiga Shabeelle.

Waadiyaal dhowr ah oo ku kala yaala deegaanada kala ah Ceelgaal, Qowlad, Ilkacade iyo Feerfeer ayaa ku soo shubay biya farabadan wabiga Shabeelle.

Roobabkan daadadka badan ka dhasheen ayaa kusoo beegmaya, iyadoo rajo badan laga qabay in biyaha wabiga Shabeelle nafis laga dareemo saacadaha soo socda, hayeshee waxaa arintaasi meesha ka saaray roobabka xoogan ee wali ka da’aya gudaha dowlad deegaanka Itoobiya iyo deegaanada hoos yimaada Baledweyne.

Roobka wali da’aya ayaa sii kordhinaya cabsida iyo walaaca dadka ku dhex go’doonsan gudaha Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dhinaca kale Maamulka gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle ayaa shaaciyay in fatahaada ku dhufatay xaafadaha magaalada Baledweyne bilowgii todobaadkaan iney ku barakaceen 270 kun oo qoys.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ugu magacaaban Hirshabeelle Cabdullaahi Axmed Maalin sufuroow ayaa sheegay in dadka barakacay ay wajahayaan xaalado adag oo dhanka nolosha ah.

Gudoomiye Sufuroow ayaa ugu baaqay hay’addaha gargaarka iyo hay’adda SODMA iney gurmad deg deg ah lasoo gaaraan dadka reer Baledweyne ee sida weyn u saameysay fatahaada.

Wuxuu sidoo kale sheegay in maamulkiisa uu wado dadaaladii ugu dambeeyey ee la xeriira ka dabataga maareeynta Masiibooyinka ka dhashay Fatahaadaha sameeysay guud ahaan xaafadaha Baledweyne.

Fatahaada Baledweyne Ku dhufatay 12-kii bishaan ayaa la xaqiijiyay iney ku geeriyoodeen ilaa 8 ruux.

Like it? Share it!

Leave A Response