Wabiga Shabeelle oo ku fatahay Xaafado hor leh oo ka tirsan Baledweyne ka dib markii Waadiyaal ku soo rogmadeen magaaladaas.

by admin | Thursday, Nov 16, 2023 | 116 views

Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saacadahii lasoo dhaafay ku fatahay xaafado hor leh oo ku yaala magalada Baledweyne.
saacadihii la soo dhaafay magaalada baladweyne iyo deegaanada hoosyimada waxaa ka da,ay roob xoogaan waxaana uu sababay in biyo badan ay soo gaaraan baladweyne oo wajaheysay fatahaad ka dib markii ay biyo kale ku soo darsamaan biyihii magaalada ku jiray.

ilaa 5 waadi oo dhinaca waqooyi ka xiga magaalada baladweyne ayaa waxay keeneen biyo aad u farabadan taas oo sababtay heerka biyaha wabiga shabeelle ee dhinca fatahaada ay sara u kacaan xalay ilaa iyo saakay.

Xaafadaha uu Xalay ilaa saakay wabigu ku fatahay ayaa ah qeybo ka mid ah xaafadaha Bundaweyn iyo Howlwadaag iyo kooshin , kadib markii u wabiga Xalay saqdii dhexe karkaarada uu jabsaday.

Xaafadahaan ayaa dadkii dagana intooda badan ay horay uga barakaceen dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, hayeshee waxaa jiray dad kooban oo ku harsana xaafadaha oo Xalay habeen barkii biyaha guryaha ugu galeen.

Kooxa gurmad deg dega ayaa weli baadi goobaya dadkii lagu wayay fatahaadii ka dhacday magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

Biyaha kasoo baxay Wabiga Shabeelle ayaa kala jaray gabi ahaanba isku socodkii caadiga ahaa wadada laamiga ah ee isku xirta gudaha Baledweyne iyo xaafada loo barakacay ee Ceeljaalle waxaana xermay goobahii wax barashada ee magaalada baladweyne.

Like it? Share it!

Leave A Response