Cali Guudlaawe “Degmada Mahadaay waxaa ka jirto xaalad Bini’aadannimo oo adag.”

by admin | Thursday, Nov 16, 2023 | 102 views

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo gaaray degmada Mahadaay ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xaafadaha degmada oo ay saameeyeen roobabka iyo fatahaadaha ku dhuftay Degmada Mahadaay.

Cali Guudlaawe oo ka hadlayey dhibaatada ka jirta degmada ayaa yiri, “Waxa aan soo gaarnay degmada Mahadaay oo daadadkii Wabiga ku fatahay iyo Roobabkii oo isbiirsaday dhibaato aad u weyn ay u geysteen, runtii waxaana ka jirta xaalad Bini’aadannimo oo adag ayaa ka jirta, sababta waxa ay tahay dadka ku nool wabige jiingiisa noloshooda waxa ay ku tiirsaneed beerihii, mar waliba oo dalaga tacbadaan daad ayaa ka qaadayey.”

Madaxweynaha ayaa xusay in deegaanada Hirshabeelle ay kumanaan qoys ay hoygoodii iyo hantidoodii ku waayeen daadadka iyo Fatahaada Wabiga Shabeelle,isaga oo shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Samafalka ugu baaqay in ay usoo gurmadaan shacabka la daala dhacaya musiibada fatahaadaha ah.

Guud ahaan deegaannada maamulka Hirshabeelle waxaa saameen ku yeeshay Roobabkii ka da’ay gobollada dalka, waxaana sidoo kale magoolinka uu maro wabiga Shabeelle uu ka geystay fatahaad sababtay in ay dadkii barakacaan.

Like it? Share it!

Leave A Response