10 qof oo ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay gobolka Galgaduud.

by admin | Tuesday, Apr 30, 2024 | 19 views

Ugu yaraan toban qof ayaa ku dhintay 15 kalena way ku dhaawacmeen dagaal beeleed ka dhacay shalay waqooyiga gobolka Galgaduud.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka dagaalka ayaa u dhaxeeyay maleeshiyaad kasoo kala jeeda degmooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale, waxaana dagaalka uu salka ku hayaa aargoosi beeleed iyo muran ka dhashay deegaanka.

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug ayaa soo dhexgalay, waxaana ku guuleystay in la joojiyo rasaasta, iyadoo la kala qaaday maleeshiyaadkii dagaalamay. Si kastaba ha ahaatee waxaa sii kordhaya cabsida laga qabo in labada maleeshiyo ay ku sugan yihiin goobihii lagu dagaalamay.
Labo bilood ka hor ayay aheyd markii weerar aargoosi ah oo ka dhacay deegaanka Lanqeylo ee gobolka Galgaduud lagu dilay oday caan ah oo lagu magacaabi jiray Cabdi Daahir Daa’uud.

Gobolka Galgaduud ayaa caan ku ah colaado soo noqnoqda oo la xiriira dhul daaqsimeed iyo muran dhuleed.

Like it? Share it!

Leave A Response