100 qof oo ku dhintay dagaal dhex maray kooxo dahab qodata ah

by admin | Tuesday, May 31, 2022 | 398 views

Wararka ka Imanaya dalka Chad ayaa sheegaya in in kabadan 100 qof ay ku dhinteen isku dhacyo dhex maray kooxaha dahabka ka qota woqooyiga dalkaasi, sida laga soo xigtay masuuliyiinta dalka Chad, sidoo kalena waxaa dagaalkaas ku dhaawacmay in ka badan 40 qof oo kale.
Iska hor-imaadyada ayaa badankoodu waxay dhaceen 23-kii iyo 24-kii bishan May, waxayna ka dhaceen degmada Kouri Bougoudi oo u dhow xuduuda dalka Chad uu la wadaago Libya. Goobta weerarku ka dhacay ayaa la soo sheegayaa inay ka mid tahay meelaha aan sida sharci-darrada ah ay dadweynuhu uga qotaan dahabka.

Wasiirka gaashaandhiga ee dalka Chad ayaa sheegay in dagaalku uu goobaha dahabka laga qoto ka bilawday xilli habeenimo ah, balse faahfaahin intaas ka badan kama bixinin sababta keentay dagaalka. Hase ahaatee wasiirka warfaafinta ee dalka Chad ayaa sheegay in weeraradu ay dhex mareen kooxo carab ah oo ka soo gudbay xuduudda dhinaca Libya iyo qowmiyadda Tama oo deggam dhinaca bari ee dalka Chad.
Dawladda Chad ayaa haatan mamnuucday hawlaha macdan qodista ee deegaannada Kouri Bougoudi, iyada oo halkaas ka daadguraysay dadweynihii goobtaas ku noolaa.

Like it? Share it!

Leave A Response