Al-Shabaab oo fagaare ku toogtay Afar Ruux

by admin | Sunday, Aug 23, 2020 | 389 views

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degaanka Ceel-Cadde oo ka tirsan Gobolka Gedo waxaa ay ku toogteen Afar ruux oo ay u jeediyeen Eededyn kala duwan iyo inay la Shaqeynayeen dowlado Shisheeye.

Afarta Ruux Diini ayaa waxaa ay kala ahaayeen Cabduqaadir Maxamed oo ay ku eedeeyene in uu u Shaqaynayay Sirdoonka dowladda Maraykanka.

2: Ciise Cismaan Geelle oo ay ku eedeeyeen in uu u Shaqaynayay Sirdoonka Dowladda Itoobiya oo Ciidamo farabadan oo ka tirsan AMIOSM ay ka joogaan Gudaha dalka Soomaaliya.

3: Cabdi Casiis Xassan Cabdi oo ay sheegeen in uu u Shaqeeynayay Sirdonka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay dagaal kula jiraan.

4: Aadan Xassan oo ay ku eedeeyeen in uu u Shaqaynayay Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana dhamaan Afarta Ruux ay ku toogteen Fagaaro ku yaalla degaanka Ceel-Cadde,waxaana Goobta ku sugnaa qaar kamid ah dadka degaanka oo ay isugu yeereen.

Al-Shabaab ayaa horay waxaa meelo kamid ah Soomaaliya ku toogteen dad ay ku eedeeyeen inay la Shaqeynayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha taageera, kuwaas oo ay ka qabteen degaannada ay maamulaan.

Like it? Share it!

Leave A Response