Maxay kawada hadlayaan Dowladda Federaalka & Ururrada Bulshada Rayidka ee Muqdisho ku shiraya 23/24ka Oktoobar 2023?

by admin | Monday, Oct 23, 2023 | 131 views

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay Shirka Qaran ee u dhaxeeya Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay uga arrinsadaan xaaladda Dalka, Iskaashiga dhexdooda iyo xoojinta Dowlad-Dhiska.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Axmed Macalin Fiqi oo daah-furay shirkaan Qaran ayaa ka sheekeeyay doorka Ururrada Bulshada Rayidku ku leeyihiin Dowlad-dhiska Soomaaliya.

Axmed Fiqi ayaa sheegay in aanay marnaba laga maarmin kaalinta Bulshada Rayidka sidaas awgeed muddada labada cisho ah ee uu soconayo shirkaan looga baahan yahay in ay doorkooda ka qaataan sidii horay looga bartay waa sida uu hadalka u dhigay.

“Ururrada Bulshada Rayidka waxa ay maalmihii u dambeeyay wadeen cilmi baarista iyaga oo kusoo shaqeeyay duruufo iyo xaalado adag oo qaarkood ayaa ku dhintay, waxaa inoo qabsoomay shirweynaha qaran ee iskaashiga ah ee la xiriira qaabaynta Mustaqbalka Soomaaliya, Iskaashiga, Dowlad-Dhiska & in ay soosaaraan waxyaabaha dhexmara Bulshada iyo Dowladda” Wasiir Axmed Fiqi.

Shirkaan Qaran ee Dowladda Federaalka iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah u dhaxeeya ayaa marka uu soo gabagaboobo waxaa lagu wadaa in laga soosaaro warmurtiyeed ku saabsan qodobada ay isla meel dhigeen labada dhinac.

Like it? Share it!

Leave A Response