Afar Arday oo ku dhimatay Galgaduud iyo Galmudug oo ka hadashay

by admin | Saturday, Oct 24, 2020 | 327 views

Wasaaradda waxbarashada, hiddaha & tacliinta sare ee Galmudug ayaa faahfaahin ka bixisay carruur ku geeriyootay gumac madfac oo ku qarxay oo ay garaacayeen gobolka Galgaduud.

Gumac madfac  ayay carruurtu kasoo hoos qaaden geed hoostiisa magaalada Bangeelle ee gobolka galgaduud.

Wasaaradda ayaa tacsi u dirtay ehelada Carruurta waxaana ay sheegtay in ay bixin doonta wacyigalin ku saabsan ka hortagida waxyaabaha qarxa.

Ardaydaan oo Kale Ah:

1- Cabdullaahi Shugri Maxamed Waxuu Dhiganayay Fasalka 6aad.

2- Axmed Wali Qorane Nuur Fasalka 4aad.

3- Sharmaake Cabdiqaadir Nuur Cabdille

Faslka 4aad.

4- Kaamil Daroor Maxamed Cali Fasalka 3aad.

Like it? Share it!

Leave A Response