Ahlusunna oo beenisay inay diideen wada-hadallo xal raadin ah

by admin | Monday, Nov 15, 2021 | 235 views

Iyada oo xalay uu shaaciyay in hoggaanka Ahlusunna ay diideen wada-hadallo dhex-dhexaadin ah Janeraal Aadan Abshir Nuure (laba Afle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa hadalkaasi beeniyay hoggaanka Ahlusunna Waljamaaca.

Cabdisalaan Aadan Xuseen Madaxa siyaasadda Ahlusunna ayaa sheegay in aysan jirin diidmo ay ka muujiyeen in la wada hadlo balse Janeraal laba Afle uu u sheegay hadal ah in la leeynaayo ama ay isaga tagaan degaanka Bohol.

Cabdisalaan oo la hadlay Idaacadda BBC-da waxaa uu sheegay in Ahlusunna ay mar walba ay wada-hadal diyaar u tahay ugana soo baxday degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay kula dagaalameen Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug.

Waxaa uu sheegay in janeraal laba Afle uu sicad ugu in sheegay in Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Qoor Qoor & Ra’iisul Wasaaraha aysan u diyaarsaneyn inay wada-hadal nala furaan balse kaliya uu go’aankoodu yahay inay bohol isaga tagaan ama la laaynayo, taasina aysan aheyn dhex dhexaadinimo.

”  Janeraal laba Afle wuxuu ahaa Nin aysan jirin cid soo dirsatay oo Wasiir ka tirsan Galmudug ayaa horay u cadeeyay, madaxda Galmudugna wada-hadal ma rabaan, anagana inaan nabad rabno waxaa cadeyn kuu ah Ahlusunna oo 15km u jirta Caasimadda inay ka warsugayaan Culimadii iyo Ganacsatadii dhex dhexaadinta waday ayuu yiri” Cabdisalaan Aadan Xuseen.

Ugu dambeyn Ahlusunna Cabdisalaan Aadan Xuseen Madaxa siyaasadda Ahlusunna ayaa sheegay in hadalka Jaeraal laba Afle uu yahay mid colaadeed, wuxuuna ka digay in colaad laga dhex abuuro Bulshada degaannada Galmudug.

Like it? Share it!

Leave A Response