Al-Shabaab oo kordhiyey alaabaha iyo adeegyada ay ka canshuuraan Muqdisho

by admin | Monday, Sep 2, 2019 | 553 views

Al-Shabaab ayaa hadda Canshuura goob kasta oo ganacsi oo ku taala Muqdisho, waxeyna toos ula socdaan waxa ku jira Kunteenar kasta oo laga dajiyo Dekedda weyn ee Muqdisho.

Markii laga soo tago ganacsatada ay Al-Shabaab bil walba ka qaadaan Canshuurta, waxaa jira Xaafiisyo u diiwaan gashan dowladda oo si joogto ah ay dhaq-dhaqaaqooda ula socdaan Al-Shabaab.

Xaafiisyadaas waxaa ka mid ah Notaayooyinka lagula kala wareego gaadiidka, guryaha, beeraha, dhulalka ama boosaska iyo hadii loo baahdo hubka, oo xili walba ay la socdaan Al-Shabaab hantida ay dadka u kala wareejinayaan.

Marka laga soo tago saamiga ay ku leeyihiin Notaayada wax walba oo ay ku kala wareegaan labo dhinac, waxay Shabaab gaar ula xariiraan dhinacyadii wax kala iibsaday.

Muqdisho xataa xarumaha Timaha lagu jarto waa Canshuuraan Al-Shabaab, qofka ganacsadaha ah ee Canshuurta ay ka qaadaan uma sheegi karo inta laga qaaday ruuxa ay shaqa wadaagta yihiin ee iska leh meheradda ku dhagan.

Nin meherad timaha lagu jarto ku leh waddada Maka Al-mukaramah ee Muqdisho ayaan kasoo xiganay “Meheradaan dadkii lahaa waxey bishii iga ijaareen lacag dhan 300 oo dollar, dowladda ayaa iga qaada Canshuur, sidoo kale waxaan dhiibaa Canshuur kale oo ay iga qaado Arsenal.”

Magaca Arsenal ayuu kala jeeday Al-Shabaab waxuusa ka gaabsaday inuu ila wadaago inta ay dhantahay lacagta uu dhiibo iyo halka uu u marsiiyo, ganacsadahaas sida kalsoonida ah iigu sheegtay inuu bixiyo canshuur ay ka qaadaan Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response