Al-Shabaab oo la sheegay inay Canshuur ka qaadaan Maraakiibta Dekadda Muqdisho

by admin | Monday, Sep 2, 2019 | 809 views

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya laba sano ka hor meesha ay joogtay ay Maanta ka hooseyso,isla markaana dhaqaalihii dalka la curyaamiyay.

Waxaa uu soo hadal qaaday Xildhibaanka iyo wadooyinkii ugu muhiimsanaa ee Muqdisho la xiray,sidoo kalena Dowladda uu Madaxweyne ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ka gaabisay arrimaha la xiriira dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray  in Al-Shabaab loo fasaxay inay Canshuur ka qaadaan Dekadda Magalada Muqdisho,isla markaana markab kasta ee dekadda kasoo dega inta tan uu sido iyo waxa saaran ay heystaan si ay Canshuur uga qaadaan Al-Shabaab.

Hadalka Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa kusoo aadaya xilli Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo Wareysi siinayay  Wargeyska Washington Post uu sheegay in dowladda aysan awood u laheyn inay ka hortagto lacagaha Al-Shabaab Canshuurta u qaataan.

Like it? Share it!

Leave A Response