Al-Shabaab oo weerar jidgooyo ah ku qaaday Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo CXDS

by admin | Sunday, Jan 27, 2019 | 760 views

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar dhabo ah oo dagaalamayaasha Al-shabaab ku qaadeen kolanyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM Kuwaasoo  ku sii jeeday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ciidankaan ayaa waday gaadiid ay leeyihiin Ciidanka AMISOM, waxaana uu weerar ku qabsaday degaano ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe sidda degaanka Fiidow sidda sheegeen Mas’uuliyiinta degmada Maxaas.

Ciidankaan ayaa ka baxay Magaalada Jowhar, waxaana Ciidanka dowladda Brundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM,waxaana wehliya Kolonyo ka mid ah Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerar kusoo qaaday Ciidanka wadada ku safrayay, waxaana taasi ay sababtay in Ciidanka ay joojiyaan socdaalkooda, islamarkaana ay difaacaan ka galaan degaanka fidow ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Rasaas goos goos ah ayaa la sheegay in ay labada dhinac ay isweydaarsadeen lamana oga khasaaraha ka dhashay iska horimaadka dhaxmaray labada dhinac, hasse ahaaatee wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Ciidanka ku sugan Fidow uu soo gaaray Gurmad xoog badan oo ka yimid gobolka Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response