Al Shabaab oo weerar Khasaaro geystay ku qaaday Xarumo ku yaala degmada Marko

by admin | Thursday, Jan 10, 2019 | 1211 views

Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal saacado qaatay oo ka dhacay degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay weerareen ciidamo hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab.

Weerarka koowaad ayaa ka bilowday Xaafadda Ruusiya ee degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamada Al Shabaab  jug culus ay ku bilaabeen dagaalka.

Saraakiisha ciidamada dowladda u hadlay ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka kaga yimid Al Shabaab, waxaana  saraakiisha qaar ay sheegeen inay Al Shabaab ku celiyeen halkii ay kasoo weerartameen.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa soo kala gaartay dhinacyada dagaalamay, waxaana la sheegay in 10 ruux ay waxyeelo kasoo gaartay dagaalka xalay ka dhacay degmada Marko, kaasi oo waqti badan dhacayay.

Wararka saakay naga soo gaaraya Magalada Marka ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana Shabaab ay dib ugu laabteen deegaanka Jilib Marka oo ay markii hore ka yimaadeen,hayeeshee dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay wadaan Cidamada Dowladda Soomaaliya.

Dagaal Kale ayaa ka duleedka magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response