Al-Shabaab oo weerar qarax ku bilaawday ku qaaday degaanka Bacaadweyne

by admin | Monday, Nov 30, 2020 | 362 views

Xubno ka tirsan Ururka  Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku bilaawday qaraxyo ku qaadeen  Saldhigyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal culus oo saaka Waaberigii soo gaaray uu ka dhacay degaanka Bacaadweyne, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada qeybta 21aad & Al-Shabaab, waxaana la sheegay in uu jiro khasaaro ka dhashay dagaalka.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in isgaasriinta degaanka Bacaadweyne ay hawada ka saareen Al-Shabaab oo Gudaha u galay degaanka Bacaadweyne, welina la maqlayo Gudaha degaanka rasaas xoogan.

Al-Shabaab ayaa  Baraha Internet-ka ku baahiyay inay la wareegeen gacan ku heynta degaanka Bacaadweyne ee Koonfurat Gobolka Mudug, sidoo kale ay dagaalka ku qabsadeen illaa 5 gaari oo nooca dagaalka ah.

Saraakiisha Ciidamada qeybta 21aad iyo Madaxda Maamulka Galmudug weli kama hadlin dagaalka ka dhacay degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug oo horay dagaalo uga dhaceen.

Like it? Share it!

Leave A Response