Al-Shabaab oo weeraray degmada Xudur & Dowladda oo guulo ka sheegatay

by admin | Tuesday, Mar 1, 2022 | 402 views

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saaka weerar xoogan waxaa ay ku qaadeen degmada Xudur oo ah Xarunta Gobolka Bakool, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.

Saraakiil katirsan Ciidanka xoogga dalka qeybta 60aad ayaa waxaa ay sheegeen inay fashiliyeen weerarka Al-Shabaab, iyada oo degmada Xudur uu ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka moocyadiisa kala duwan.

Taliyaha ururka 175-aad, guutada 9-aad ee ciidanka xoogga dalka Maxamed Sankuus iyo Taliyaha sahanka ee guutadaas Aadan Gaabow ayaa warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab ay ka dileen Saddex Xubnood ayna kusoo bandhigeen degmada Xudur.

Waxaa ay sheegeen in Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday ay kusii daba jiraan ciidanka qaranka, iyagoo xaqiijiyey in meydadka seddax xubnood ay goobta uga tageen, dhaawacyo badana ay gaarsiiyeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Xudur ayaa sheegaya in xaaladu ay haatan tahay mid degan, waxaana degmadaasi xudur ay kamid tahay degmooyinka u go’doonsan Al-Shabaab mararka qaarna ay weerarka ku qaadaan.

Like it? Share it!

Leave A Response