Algeria oo qaaday tallaabo kasii dartay xiisadda kala dhaxeysa France

by admin | Monday, Oct 4, 2021 | 291 views

Algeria ayaa u diiday diaaradaha militariga Faransiiska inay adeegsadaan hawadeeda maalin kadib markii ay u yeeratay safiirkeeda Paris, ayada oo ka carootay hadallo aan la ‘aqbali karin” oo loo tiriyey madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Xiisadda kasii dartay dhammaadkii toddobaadkii tegay ayaa sidoo kale ka dambeysay kadib markii France ay qaadatay go’aan ay ku dhintay tirada dal-ku-galka la siiyo dadka kasoo jeeda dalalka Waqooyiga Afrika oo Algeria ay ku jirto.

Paris ayaa go’aanka Visaha u qaadatay sababo la xiriira in dowladahooda ay diideen inay dib u qaataan muhaajiriinta laga soo ceeriyo Faransiiska.

Codsi ka yimid Faransiiska, oo ahaa in laba diyaarad oo militari loo ogolaado inay ku duulaan hawada Algeria, ayaa la diiday Axaddii, sida uu sheegay afhayeen u hadlay militariga Faransiiska Colonel Pascal Ianni.

Waxa uu sheegay in mid ka mid ah diyaaradaha lagu waday inay kasoo duusho France, tan kalena Chad.

Like it? Share it!

Leave A Response