ATMIS oo soo gabagabeysay wejigii koowaad ee Dhimista Ciidamada

by admin | Friday, Jun 30, 2023 | 141 views

Hawlgalka ATMIS ayaa soo gabagabeeyay wejigii koowaad ee Dhimista ciidamada iyagoo maanta ciidamada amaanka  Soomaaliya ku wareejiyey saldhigyada Aljazeera-1 ee tababarada ee ku yaala Muqdisho iyo Saldhiga Gherille ee dowlad goboleedka Jubaland.

Saldhiga hore oo ay maamulijireen ciidamada Ugandha  ayaa waxaa ku wareejiyay Ciidamada Amaanka Soomaliya  taliyaha qeybta koowaad ee ATMIS Sar. G. Peter Omola.

Sidoo kale, saldhiga dambe Jubada hoose waxaa Ciidanka Amaanka Jubbaland ku wareejiyay Taliyaha Ciidamada Kenya ee saldhiga Gherille, Gash. Shitanda Terence Soita.

Tani waxay ka dhigeysaa tirada guud ee Saldhigyada lagu wareejiyay Ciidamada Amaanka Soomaaliya lix, halka xarunta Marka Ayuub la xiray.

ATMIS ayaa la filayaa inay la baxdo 2000 oo askari dhamaadka bishan June iyadoo la raacayo qaraarada Golaha Ammaanka ee 2628 iyo 2670.

Like it? Share it!

Leave A Response