Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Xildhibaannada Golaha shacabka oo maanta markale kulan ku leh xaruntooda villa Hargeysa,waxana hortagay Golaha maanta Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha  Dastuurka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Madane Xasan Macalin.kaa oo waxa laga weydiinayay Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka oo akhrinta 1-aad ay Golaha marsiinayaan. Wasiirka Dastuurka iyo Cadaaladda...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleed Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa gaaray degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay. Safarka oo ah mid shaqo ayaa waxaa  Madaxweynaha iyo wafdigiisa soodhaweyay qaybaha kala duwan ee Bulshada degmadaasi.     Socdaalka uu Madaxweyne Laftagareen ku tagay Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka...

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaargarowgii ugu dambeysay ka sameysay howlgalka la dagaalanka ‘AS’ wajigiisa labaad si ay u qabsato deegaannada weli ka maqan gacanteeda. Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo la kulmay Saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug...

Saraakiisha af-gembiga kula wareegay talada dalka Niger ayaa qaaday tallaabooyin cusub oo xukunka ku difaacanayaan, waxa ayna gabi ahaan xireen hawada dalkaasi si aan weerar loogu soo qaadin. War kasoo baxay hoggaamiyaasha milatariga ayaa lagu sheegay in la xiray hawada dalka Niger ilaa ammar dambe, waxaana arrintan looga hortagayaa hanjabaad iyo faragalin milatari oo...

Wasiir Fardowso oo loo haysto inay shaqaaleysiisay dad ay qaraabo yihiinWasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fardowso Cismaan Cigaal ayaa hortegtay xubnaha guddiga Gaadiidka ee Golaha Shacabka, kuwaas oo wax ka weydiiyay howlaha shaqo ee wasaarada. Guddiga ayaa su’aalaha muhiimka ah ee uu weydiiyay wasiir Fardowso waxaa kamid ah inay shaqaaleysiisay dad ay qaraabo dhow yihiin, sida lagu shaaciyay baraha bulshada. Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Waceys oo kamid ah guddiga gaadiidka ee baarlamaanka ayaa sheegay inay jiraan illaa sideed qof oo ay qaraabo yihiin wasiiraddu oo laga shaqaaleysiiyay wasiiradda gaadiid iyo duulista hawada Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dadkaasi aysan soo xaadirin shaqada, isla-markaana ay ku kala sugan yihiin gudaha dalka iyo dibaddiisa, sida uu ku dooday. “Maalmahan waxaa ku jira warbaahinta iyo social media-ha inaa qortay dad tiradooda ay dhan tahay sideed qof oo aan badankood shaqooyinka soo xaadirin, kuna kala sugan Puntland, Mareykanka, Kenya iyo Uganda, Maxaa ka jira ?” ayuu weydiiyay xildhibaanku. Fardowsa oo ka jawaabtay su’aashan ayaa shaaca ka qaaday in dalka uu leeyahay nidaam la maro iyo hay’ado ka shaqeeya, sida guddiga shaqaalaha iyo wasaaradda shaqada. by TaboolaYou May Like Al-Shabaab oo shaacisay magaca ismiidaamiyihii fuliyay weerarkii lagu dilay Xasan Tuure Geerida kahor, 7 arrin oo uu ku hawlanaa madaxweyne Cali Mahdi Maxamed Daawo: QARAX weyn oo ‘dhulka la simay kaydkii hubka’ ee kooxda AL-SHABAAB “Xildhibaanow dalkan wuxuu leeyahay nidaam shaqaale oo la maro, mas’uuliyadaasna cidbaa dowladda u heysa, guddiga shaqaalaha rayidka ayaa jira, wasaaradda shaqada ayaa jirta, marka nidaamka shaqaalaha loo maraayo iyo haddii sharci la jabiyo iyaga ayay la taalaa, taas waa mid” ayay tiri wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay beenisay inay jiraan siddeed qof oo ay ka shaqaaleysiisay wasaaradda, waxayna ka dalbadatay xildhibaanka inuu dabagal ku sameeyo arrintaasi, soona hubiyo. “Waxaa tahay xildhibaan xog walba oo u baahato oo sharci ayaad heli kartaa oo aan aheyn wax Facebook lagu qoro, dadka la leeyahay wasiir Fardowso ayaa shaqaaleysiisatay oo siddeeda qof ah magacyadooda oo saddexan ayaa meesha ku qoran waxaan jeclaan lahaa intaad qaado wasaaradda maaliyadda iyo hay’adda shaqaalaha u qaabilsan waddanka inaa tegto oo aad kasoo eegto, haddii ay ku jiraan dadkaas magacyadooda oo shaqaale dowladeed ay yihiin anaa qaadayo mas’uuliyadda” ayay ku jawaabtay wasiir Fardowso. Waxaa kale oo ay sii raacisay “Marka waxaan jeclahay inaad naga hubisaan oo ay noqoto wax sax ah oo soo dhex-maray systemkeena dowliga ah”

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fardowso Cismaan Cigaal ayaa hortegtay xubnaha guddiga Gaadiidka ee Golaha Shacabka, kuwaas oo wax ka weydiiyay howlaha shaqo ee wasaarada. Guddiga ayaa su’aalaha muhiimka ah ee uu weydiiyay wasiir Fardowso waxaa kamid ah inay shaqaaleysiisay dad ay qaraabo dhow yihiin, sida lagu shaaciyay baraha...

Ismaamulka Amxaarada waxaa dib uga soo cusboonaaday dagaalka u dhaxeeya ciidamada Federaalka Itoobiya & Kooxaha hubeysan ee Gobolkaas ku sugan kaddib markii saacadihii u dambeeyay labadaan dhinac ay sameeyeen dhaqdhaqaaq ciidan. Ilo muhiim ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaallada ka socda Gobolka Amxaarada ay sababeen dhimasho, dhaawac, barakac iyo xaalad cabsi...

Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa isku afgartay inay xoojinayaan xiriirkooda laba geesoodka ah ee arrimaha xuquuqul insaanka iyo dimuqraadiyadda. ⓘ Xamse Warfaa, la-taliyaha sare ee arrimaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa arrintan kala hadlay raysal wasaare Xamse, xilli uu sarkaalkan sare safar ku gaaray magaalada...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir jiraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ugu warbixiyay arrimo ku aadan is-heysadka iyo fulinta dhinaca dhulalka Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in dhulka Kaasa Italia ee degmada Xamarweyne ay leeyihiin Talyaaniga, isla markaana hada ay soo dirsadeen...

Waxaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Muqdisho Xamse Warfaa oo ah la taliye sare oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka u qaabilsan dhinaca dimuqraaddiyadda iyo xuquuqda aadanaha oo maanta dalka soo gaaray. Xamse Warfaa ayaa ah masuulkii ugu sarreeyey ee asalkiisu Soomaali yahay oo xil ka qabta Xukuumadda Mareykanka, waxaana la taliye sare u magacaabay...

Nicolás Petro, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalka Colombia Gustavo Petro, ayaa u xaqiijiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta in lacag sharci darro ah ay gashay ololaha doorashada madaxweynaha ee aabihiis. Wiilkan ayaa aqbalay Khamiistii eedeymaha tayeynta sharci darrada ah, wuxuuna bixiyay macluumaad ku saabsan maalgelinta aan joogtada ahayn ee lagu eedeeyay ololihii madaxtinimada...