Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Agaasimihii Guud Madaxtooyada ee Villa Somalia Dr. Xuseen Sheikh Maxamuud uu iska casilay xilkii Agaasime, isagoo warqad is casilaad u gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh. Wararka ayaa sheegaya in is casilaadiisa ay tahay arrin shakhsi, iyadoo loo badinayo inuu isu soo sharxo madaxtimnimada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed. Agaasime...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka oo ay baahi weyn u qabeen bulshada Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saareyso horumarinta iyo soo-nooleynta adeegyadii bulshada oo ay ugu horreeyaan Caafimaadka iyo Waxbarashada. Ra’iisul...

Sacuudi Carabiya ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda in ay si degdeg ah uga baxaan dhulka Lubnaan, ayna ka fogaadaan inay kusoo dhawaadaan meelaha ay ka dhaceen iska horimaadyada hubeysan, sida ay sheegtay safaaradda Sacuudi Carabiya ee Lubnaan. Boqortooyada Sacuudigu ma aysan cayimin meelaha ay Lubnaan kula talisay muwaadiniinteeda inay ka fogaadaan. Safaaradda ayaa carrabka...

Saraakiisha Ciidamada Xoogga gaar ahaan ciidanka gaarka u tababaran ee DANAB kana howlgala Magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa Shacabka magaaladaas ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan sugidda Amniga. Kulan ka dhacay Magaalada Galcad oo ay goobjoog ka ahaayeen hoggaanka Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa diiradda lagu saaray...

Dowlad-Goboleedka Jubbaland & Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa kawada hadlay qorshe iskaashi oo la xiriira sidii ay uga wadashaqeyn lahaayeen amniga xadka ay wadaagaan si looga hortago weerarrada ‘AS’ sida lagu yiri war kasoo baxay labada dhinac. Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee DG Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo la kulmay Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida...

Dowladda Ukraine ayaa sheegatay in ay beegsatay Markab shidaal waday oo Ruushka leeyahay kaas oo mararayay Marinka Kerch ee u dhaxeysa Ruushka iyo Jasiiradda Crimea ee muranka uu ka jiro sida hadalka loo dhigay. Ukraine oo faah-faahin ka bixisay weerarkaan ayaa sheegtay in ay u adeegsatay diyaaradaha duulliye la’aanta ee Drones-ka loo yaqaan isla markaana ay naafeysay...

Hawlgalka Midowga Afrika Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ay si weyn uga shaqeynayaan sidii dhammaadka sanadkan,  Soomaaliya looga saari lahaa kumanaan askari oo katirsan  ATMIS, si loo taageero dawlad-dhisidda Soomaaliya. ⓘ Maxamed El-Amine Souef oo ah madaxa howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS, ayaa booqasho ku tagay magaalada Kismaayo halkaasi...

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa lagu wadaa in Maanta oo Sabti ah ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. ⓘ Warar hordhac oo laga helay ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagayo magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegaya iney la xariirto in halkaas uu madaxweynaha...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in uu tago Magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug si uu u dardargeliyo wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’. Sida ay xaqiijiyeen ilo la hadlay Mustaqbal, Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud wafdi hordhac u ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray...

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo la hadlay Ciidamo katirsan Kumaandooska DANAB ayaa ku dhiirrageliyay in ay xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee wajigiisa labaad abaabulkiisa socda. Wasiir Cabdulqaadir ayaa ciidamada ugu baaqay in ay naxariis iyo dulqaad ay u muujiyaan shacabka maadaama uu sheegay in...