Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb

by admin | Saturday, Aug 5, 2023 | 74 views

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa lagu wadaa in Maanta oo Sabti ah ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Warar hordhac oo laga helay ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagayo magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegaya iney la xariirto in halkaas uu madaxweynaha kaga dhawaaqi doono wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxaa xusid mudan in maamulka Galmudug uu dhawaan shaaciyay iney u diyaar garoobeen wajiga labaad ee howlgalada dalka looga ciribtiraayo kooxda Al-shabaab.

Maalin ka hor waxaa magaalada Dhuusamareeb gaaray wafdi hordhac u ah safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo isugu jiray Senetaro iyo Xildhibaano ka ka tirsan laba Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah ciidamada ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa haatan waxaa ka socda qaban qaabo xoogan oo lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo la filayo in saacadaha soo socda iney gaaraan.

Like it? Share it!

Leave A Response