DG Jubbaland & Dowlad-Deegaanka Soomaalida oo ku ballamay Iskaashi Amni.

by admin | Saturday, Aug 5, 2023 | 127 views

Dowlad-Goboleedka Jubbaland & Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa kawada hadlay qorshe iskaashi oo la xiriira sidii ay uga wadashaqeyn lahaayeen amniga xadka ay wadaagaan si looga hortago weerarrada ‘AS’ sida lagu yiri war kasoo baxay labada dhinac.

Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee DG Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo la kulmay Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxamed Cagjar ayaa diiradda saaray sida ay uwada shaqeyn karaan ciidamada labada dhan.

Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in ay xoogga saareyso sidii deegaannada ka maqan gacanteeda dib usoo ceshan lahayd gaar ahaan Gobolka Jubada Dhexe oo guud ahaan ay ku sugan yihiin ‘AS’.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa Mustafa Cagjar u sheegay in uu socdo dhaqdhaqaaq xooggan oo ah dardargelinta wajiga labaad ee la dagaalanka ‘AS’ oo ka ballaaran wajigii 1aad sida ay sheegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa muddooyinkii dambe waxa ay wadday dedaal xooggan oo ciidamo ay ku geyneyso xadka ay la wadaagto Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Koofur Galbeed kaddib markii ‘AS’ ay ka gudbeen lana dagaalameen ciidanka Ammaanka DDS.

Like it? Share it!

Leave A Response