Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya.

by admin | Thursday, May 2, 2024 | 16 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Somaliya, Joachim Waern.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray mashaariicda horumarinta iyo dib u dhiska ah ee dowladda Sweden ay ka taageeri karto maamulka Koonfur Galbeed si loo xoojiyo adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweyne Laftagareen ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyey Wasiirka Amniga, Wasiirka Waxbarashada iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa uga mahadceliyay Safiirka Sweden u fadhiya Somaliya, Joachim Waern, booqashada uu ku yimid Koonfur Galbeed.

Safiirka ayaa u mahadceliyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo shacabka Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen booqashadiisa.

Like it? Share it!

Leave A Response