Odayaasha Dhaqanka ee Abgaal oo ka dalbaday Madaxweynaha Hirshabeelle inuu si deg deg ah isu casilo.

by admin | Thursday, May 2, 2024 | 14 views

Odayaasha Dhaqanka ee ka soo jeeda Beesha Abgaal ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen in uu ku fashilmay hogaaminta Maamulkaas, waxayna ugu baaqeen in uu si deg deg ah isku casilo.

War-murtiyeed ay soo saareen Odayaasha oo maalmihii u dambeeyay kulamo uga socday magaalada Muqdisho, ayaa waxay ku sheegeen in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka uu muujiyay karti la’aan uu ku wajahayo caqabadaha ka jira deegaanada Hirshabeelle.

Waxay ku nuuxnuuxsadeen inkastoo Hirshabeelle uu yahay maamul goboleedka ugu qanisan dalka, haddana uu noqday meelaha ugu liita Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cali Guudlaawe.
“Madaxweyne Cali Guudlaawe waa in uu iscasilo, sababtoo ah waxa uu qeyb ka yahay caqabadaha maamulka, sidaas darteed, ma noqon karo qeyb ka mid ah xalinta, waxaan qabaneynaa shirweyne ay isugu imaanayaan dhammaan waxgaradka, siyaasiyiinta, iyo aqoonyahannada Hirshabeelle, si looga tashado dib u dhiska Hirshabeelle cusub, waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh inuu si dhow ula socdo xaaladda Hirshabeelle,” ayay yiraahdeen odayaasha beesha Abgaal.

Tan iyo markii la dhisay Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa soo baxayay khilaaf awood qeybsi oo u dhaxeeya siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Khilaafkan ayaa sababay in siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Hiiraan ay ku dhawaaqaan maamul cusub oo la magac baxay Hiiraan State, kaasoo aysan dowladda federaalka aqoonsaneyn

Like it? Share it!

Leave A Response