DEG DEG: Qarax ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

by admin | Thursday, May 2, 2024 | 15 views

Faafaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goordhow ka dhacay qaybo kamid ah deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo gaystay waxyeello kala duwan.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Jabad Geelle ee deegaankaasi, waxaana lala eegtay gaari ay leedahay Shirkadda Korontada Ee BECO.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay warbaahinta in gaariga la qarxiyay uu dab qabsaday, isla markaana uu goobta ku burburay.

Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo todobaadkan deegaanka Garasbaaley lagula eegtay gaari ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kaas oo lagu dilay lix kamid ahaa shaqaalaha shirkadda.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano dheeraad ah ka wada halkaasi.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka iyo Shirkadda BECO oo ku aadan weerarkaasi qaraxa ah ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Like it? Share it!

Leave A Response