Dhageyso:- Roob xooggan oo xalay ka da’ay Baladweyne oo sababay in guryahooda ay ka barakacaan qoysas badan.

by admin | Thursday, May 2, 2024 | 14 views

Roob xoogan oo Xalay ka da’ay gudaha iyo daafaha Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sababay in guryahooda ay ka barakacaan qoysas farabadan oo daganaa Xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako ee magaalada baladweyne.

Roobka ayaa socday ku dhawaad 3 saacadood oo xiriir ah, waxaana ka dhashay daadad xoogan oo kusoo rogmaday xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako.

Dadka degan Xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako, gaar ahaan laamaha Kutiimbo iyo Dhagax jibis ayaa Xalay mar qura kusoo toosay guryaha oo ay u dhex ceegagaan biyo aad u fara badan.

Xaalada ayaa waxay sii adkaatay markii daadadka soo rogmaday roobka ay waaweyn meel ay ka galaan Wabiga shabeelle.

Inkastoo biyaha xalay Xaafado kamid ah magaalada baladweyne Sameeyay aysan aheeyn Fatahaad Wabiga shabeelle, ayaa hadane dadka waxaa ay Muujinayaan Cabsi dheeraad ah madaama Wabiga uu aad u buux dhaaafiyay Xiligan.

Dadka daganaa Xaafadahan qaarkood ayaa u sheegay warbaahinta in dhamaan Alaabtii guryaha u taalay Sida Cunada, Jiifka iyo Alaabta kale ay biyaha ka qaadeen. Waxaana ay intaasi ku dareeyn in biyaha ay kala baxeeyn oo kali ah Caruurtooda.

Laamiga dheer ee isku xiro Magaalada iyo Deegaanka Ceeljaale ayey xalay biyaha dul-mareeyn taasi oo Cabsi dadka ku Abuurtay. Dad badan ayaa xalay seexday Laamiga dhinaciisa madaama biyaha ay guryahoda ka galeen.

Roobkii ka da’ay Magaalada Baladweyne ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay duulimaadyadii Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif Airport, isla markaana uu xirmay.

Maamihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dowladda Federaalka Soomaaliya ay Digniin kasoo saareysay roob xooggan oo daadad wata.

W/D: Bashiir Abdulahi Osmaan

Baledweyne.Somaaliya

Like it? Share it!

Leave A Response