Imaaraatka Carabta oo cambaareeyay weerar argagixiso oo ka dhacay xadka waqooyi ee Kenya.

by admin | Thursday, May 2, 2024 | 17 views

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareysay Weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, kaasi oo sababay dhimashada iyo dhaawaca tiro dad ah oo aan waxba galabsan.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda (MoFA) ayaa lagu xaqiijiyay in Imaaraadku uu si weyn u cambaareynayo falalkan dambiyada ah iyo diidmada joogtada ah ee dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisanimada ee looga dan leeyahay in lagu waxyeeleeyo amniga iyo xasilloonida oo ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah.

Wasaaraddu waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda iyo shacabka Kenya , iyo qoysaska dhibanayaasha fal-dembiyeedkaas foosha xun, iyadoo sidoo kale u rajaynaysa caafimaad degdeg ah dhammaan kuwa ku dhaawacmay.

Like it? Share it!

Leave A Response