Awaamiir culus oo lagu soo rogay Guriceel kadib dagaalkii xalay ka dhacay magaalada

by admin | Tuesday, Nov 7, 2023 | 84 views

Taliska Booliska ee Magaalada Guriceel ayaa soo saaray awaamiir lagu xoojinayo arrimaha nabadgelyada ee magaaladaasi kadib iska hor-imaad xalay ka dhacay magaalada.

Taliyaha Saldhigga Booliska Guriceel, Cismaan Cali Huudey ayaa sheegay inaanan hadda ka dib wax hub ahi lagu dhex qaadan karin magaalada, ciidamada amniguna ay ka hawlgali doonaan.

Tani ayuu sheegay inay kaga gol leeyihiin in ay kaga hortaggaan maleeshiyada Al Shabaab iyo kuwa dilalka aanooyinka beelaha ka gaysanaya gobolka iyo deegaanada ku xeeran, si aysan gabaad uga dhigan magaalada.

Taliyaha ayaa sheegay in xilliyada qaarkood ay magaalada hub ku dhex qaataan Ciidamada Qalabka Sida qaybahooda kala duwan iyo welibana dad shacab ah, taasina aan hadda ka dib la aqbali doonin.

Waxa uu sheegay in la ogolyahay in ciidamada ay hubka ku dhex qaataan magaalada, haddii ay dareyskoodu wataan, balse ay mamnuuc tahay in iyagoo aan tuutahooda wadan ay hubka ku qaataan magaalada.

“Ciidanku wuxuu leeyahay sumad u gaar ah oo lagu kala yaqaano iyaga iyo shacabka, maadaama aan hawlgalo ballaaran sameynayno waxaan rabnaa astaanta ciidanka lagu yaqaano ee deegaanka nala degan inay astaantooda qaataan, astaantaas oo ah dareyska la idiinkugu talagalay,” ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa yiri “Cid kasta oo dhar shibil ah wadata ee hub sidata inaan ula tacaamulno, sida dadka shacabka ah loola tacaamulayo. Marka ciidanka waxaan leenahay naga la shaqeeya ammaanka, si uusan cadowga noogu soo dhuuman ama dhagarqabeyaasha aysan ku fakan, waxaad qaadataan dareyskiina.”

Taliyaha Saldhigga Booliska Guriceel Cismaan Cali Huudey ayaa Xoogaga Macawiisleyda ugu yeeray in marka ay magaalada imanayaan ay qoryahooda dhigtaan guryaha, uuna farayo inaanay wax hub ahi ku dhex qaadan karin magaaladaasi, muddada ay joogaan.

“Waxaa jira ciidamo la yiraahdo Macawiisley oo sida runtii dad xaq u dirir ah, oo dowladda ka garab siiya dagaalka Khawaarijta. Waxaan rabnaa ayagana goobta jiidda ah markii ay ka soo baxaan ama fasax uu soo qaato inuu gurigiisa dhigto qoriga, waxaana mamnuuc ah inuu magaalada qori la soo aado. Waxaan ugu baaqaynaa dhallinyaradaas markii aad soo gashaan magaalada inaad hubkiina xareysataan, oo aad ku xareysataan guryaha, markaad jiidda ku laabaneysaana aad hubkiina qaadataan. Waxaa mamnuuc ah inaad magaalada ku qaadataan qori, idinka oo dhar shacab ah sita,” ayuu yiri Taliyuhu.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray “Waxaan rabnaa marka, maadaama aan idiin sheegnay, haddaynu aragno idiinkoo qori wata, waxaanu ka qaadaynaa tallaabo sharci ah, qorigana waan ka qaadaynaa, haddii Alle idmo.”

Hadalka Taliyaha ayaa imaanaya, xilli Ciidanka Booliska iyo Xoogaga Macawiisley ay xalay ku dagaalameen magaalada. Dagaalkaasi ayaa waxaa ku dhintay laba askari uu midkood uu ciidamada amniga ka tirsanaa, halka kan kalena uu Macawiisley ahaa. Sidoo kale illaa afar qof oo dad rayid ah ay ku jiraan ayaa iska horimaadkaasi ku dhaawacmay.

Like it? Share it!

Leave A Response