Axmed Madoobe oo ku baaqay in xal laga gaaro khilaafka doorashada

by admin | Saturday, Jan 9, 2021 | 338 views

Madaxweynaha Dowlad Goboledka Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo ka qeyb galay Munaasabada Sanad guurada labaad ee Doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in khilaafka ka taagan Arimaha Doorashooyinka ay sal u tahay arinta Gobolka Gedo muhiimna ay tahay in xal laga gaaro.
Waxaa uu ugu baaqay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed cabdullaahi farmaajo inuu la yimaado aragti Caafimaad qabta oo lagu xalin karo Xaalada halkaas ka jira.

Waxaa hadalkiisa uu intaas ku daray in sharafta Madaxweynaha iyo maqaamka uu joogo ay ka hoosayso in uu isku dhajiyo Gobolka Gedo iyadoo ay muhiim tahay in gacanta Jubbaland lagu soo celiyo Gobolkaas si ay uga dhaqan gasho Doorasho ay Masuul ka tahay Jubaland.
Ugu dambeyn Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubaland ay ka go’an tahay in doorashada dalka ay ku dhacdo jawi wanaagsan dhamaan dhinacyaduna ay tahay in wax walba lagu xaliyo wada hadal si Doorasho la isku raacsan yahay ay dalka uga dhacdo.
Khilaafka hareeyay doorashada Soomaaliya ayaa waxaa inta badan uu salka ku hayaa Arrimaha gobolka gedo iyo Guddiga doorashooyinka ay dowladda Magacaawday oo ay kasoo horjeesteen Midowga Musharixiinta iyo inta badan Siyaasiyiinta Mucaaradka.

Like it? Share it!

Leave A Response