Baarlamaanka Uk oo ka doodaya Madax bannaanida Somaliland

by admin | Monday, Jan 17, 2022 | 450 views

Baarlamaanka UK ayaa Talaadada beri ah lagu wadaa in muddo kooban uu dhegaysto dood ku saabsan madaxbanaannida Somaliland oo uu usoo gudbin doono xildhibaan Gavin Williamson oo laga soo doorto Koonfurta Magaalada Staffordshire

Doodda oo ah mid uu mudanaha ku soo gebagabeyn doono fadhiga maalintaas ayaan la fileyn in wax go’aan ah uu ka gaaro baarlamaanka.

Ma ahan markii ugu horreysay oo baarlamaanka UK uu dhegaysto dood ku aaddan aqoonsiga Somaliland oo sheegtay in 1991 ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Bishii December sanadkii 2019, 11 xildhibaan oo u badan xisbiga Labour-ka ayaa gudbiyay mooshin ah in baarlamaanka UK uu aqoonsado Somaliland, maadaama ay ahayd “maxmiyad ay Britain xukumi jirtay”.

Mid kamid ah xildhibaannadaas ayaa markii dambe ka noqday mooshinka.

Sidoo kale, golaha deegaanka ee magaalooyinka Cardiff, Sheffield iyo Birmingham ayaa horay u shaaciyay inay aqoonsan yihiin madax bannaanida Somaliland, walow taasi aysan wax badan soo kordhin.

Like it? Share it!

Leave A Response