Banaanbax looga soo horjeedo dhaxal sugaha Sucuudiga oo laga qorsheeyay Tunisia

by admin | Tuesday, Nov 27, 2018 | 819 views

Ururada bulshada rayidka ee dalka Tunsia ayaa ku baaqay in la qabto maanta gelinka dambe dibadbaxyo looga soo horjeedo booqashada dalkaasi uu ku tegayo dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed bin Salmaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Waxay ka careysan yihiin ururadan dilkii loo gaystay weriyaha Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashogji.

Aqalka madaxtooyada Tunisia wuxuu ku warramay in Talaadada uu dhaxal sugaha booqasho ku tegi doono Tunisia, waxayna qeyb ka tahay booqasho hoggaamiyeyaasha Imaaraatka Carabta iyo Baxreyn ay ku tegayaan halkaasi.

Dowladda Sacuudiga ayaa wajaheysaa banaanbaxyo iyo eedeymo ka dhan ah dilkii Wariye Jamaal Khashooqji oo lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Like it? Share it!

Leave A Response