Barakac Maalintii Saddexaad ka socda Beledweyne iyo Maamulka G/Hiiraan oo ka hadlay

by admin | Thursday, May 11, 2023 | 245 views

Waxaa Maalintii Saddexaad oo xiriir ah ka socda Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan barakac xoogan oo ay sameeynayaan qaar kamid ah Bulshada Magaalada kadib markii uu fatahaad sameeyay Wabiga Shabeelle.

Waxaa lagu arkayaa xaafadaha kala duwan ee magaalada Beledweyne Biyo aad u farabadan, kuwaas oo waddooyinka badi xiray, sidoo kale Guryihii ay dadka Shacabka ah deganaayeen ay galeen.

Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayay dadkuu ku qaadanayaan agabkooda, iyaga oo tegaya degaannada kuyaalla duleedka Magaalada Beledweyne si ay uga badbaadaan fatahaada uu sameeyay Wabiga.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa sheegay in badi dadkii ku noolaa Magaalada Beledweyne ay baraceen, isla markaana xaalad nololeed ay ku heysato duleedka magaalada Beledweyne, isaga oo sheegay inay gurmad u baahan yihiin.

Like it? Share it!

Leave A Response