Beesha Caalamka oo baaq deg deg ah kasoo saartay doorashada Soomaaliya

by admin | Saturday, Aug 15, 2020 | 391 views

Warmurtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen, saaxibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa wuxu ku boorinaya Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka in ay ku qabtaan Dhuusamareeb shirka muhiimka ah ee ku saabsan doorashooyinka sidii loo qorsheeyay.

Waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in laga fogaado go’aan kasta oo hal-dhinac ka raran oo ku saabsan qaababka doorashada loo qabanayo iyo waqti kordhinta si tubta siyaasadda Soomaaliya u sii ahaato mid deggan.

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in doorashada Soomaaliya ay ka hartay Saddex bilood oo kaliyah loona baahan yahay in si weyn loo ilaaliyo Waqtiga doorashooyinka.

Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujisay in qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka aan weli guddiga u soo dirin wakiilladooda. Waxaana ay ugu baaqday  inay wakiilladooda u ogolaadaan inay ka qaybqaataan hawsha guddiga, oo durbaba la billaabay, inta ay sii wadaan wadahadallada ay kula jiraan hoggaanka Dowladda Federaalka si loo xalliyo arrimaha weli taagan.

Warka kasoo baxay beesha Caalamka ayaa siddan u qornaa:

 

Waxaa lagama maarmaan ah in la dhowro kalsoonidii dhowaan la abuuray ee madaxda ka dhexeysa iyo la sii wado geeddi-socodka isfaham-dhisidda ee billaabmay intii la joogay shirweynihii hore ee Dhuusamareeb si ay Soomaaliya ugu sii socoto waddo siyaasadeed oo xasilloon.

 

Haddii cid ka mid ah madaxdu uu ka qaybgeli waayo shirweynaha soo socda waxay baabi’in doontaa kalsoonida weli jilicsan, waxay wiiqi doontaa geeddi-socodka isfaham-dhisidda, waxayna hoos u dhigi doontaa inuu kulanku awood u yeesho in lagu gaaro go’aamo la hirgelin karo. Iyadoo saddex bilood keliya ay ka hartay taariikhda bisha Nofeembar ee la qorsheeyay inay dhacaan doorashooyinka federaalka ee sannadka 2020, iyo iyadoo afar bilood keliya ay ka dhiman tahay inta uusan dhammaanin xilli xileedka Baarlamaanka Federaalka 10aad, saamilleyda Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay si degdeg ah ugu heshiiyaan wixii la qaban lahaa si horey loogu socdo, iyo gaar ahaan hanaanka doorashada, oo dib u dhac dheeraad la’aan ah.

 

Hawsha guddiga farsamada ee loo xilsaaray inuu ka soo baaraandego soona diyaariyo talooyinka hanaanka doorashada ee ay madaxdu isla qorfeyn doonaan ayaa lagama maarmaan u ah guusha shirweynaha la sugayo. Waxaan ka walaacsanahay in qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka aan weli guddiga u soo dirin wakiilladooda. Waxaan ku boorinaynaa inay wakiilladooda u ogolaadaan inay ka qaybqaataan hawsha guddiga, oo durbaba la billaabay, inta ay sii wadaan wadahadallada ay kula jiraan hoggaanka Dowladda Federaalka si loo xalliyo arrimaha weli taagan.

 

Waxaan xusuusanaa in muddadii la jooga shirweynihii hore, ay madaxdu ku heshiiyeen inay lagama maarmaan tahay inay dalka ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo dhammaan saamilleyda qancisa lana hirgelin karo. Sidaa daraadeed, guddiga farsamada waa inuu diiradda saaro inuu dejiyo xulashooyin laga xulan karo si loogu heshiiyo qaab doorasho oo lagu gaaray isutanaasul, si loo qanciyo dhammaan saamilleyda.

 

Waxaan mar kale adkeynaynaa, sidaan horeyba ugu sheegnay baaqyadeenii hore iyo wadahadallada hadda noo socda ee aan la leenahay dhammaan saamilleyda, in qaab doorasho kasta oo uu si qasab ah ku mariyo mid keliya oo ka mid ah saamilleyda, ama qaar yar oo ka mid ah saamilleyda, iyadoon ogolaansho laga helin dhammaan saamilleyda, uusan yeelan doonin sharciyad dalkana laga hirgelin karin.  Waxaan haddana adkeynaynaa, maadaama uu nagu soo foolleeyahay dhammaadka xilli xileedka Baarlamaanka 10aad, in talada wixii la qaban lahaa si horey loogu socdo, ay ku heshiiyaan dhammaan saamilleyda, oo ay ka midyihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo xisbiyada siyaasadda. Waa inuusan hal saamilley oo keliya, oo uu ku jiro sharcidejiyaha laftiisa, qaadanin go’aan keligiis ah oo uu ku kordhiyo xilli xileedka Baarlamaanka 10aad ama laanta fulinta federaalka.

Waxaan diyaar u nahay inaan taageerada lagama maarmaanka ah siino qabashada shirweynaha Dhuusamareeb ee soo socda iyo hawsha dhabta ah ee guddiga farsamada.

 

Like it? Share it!

Leave A Response