Boqolaal ka mid ah Banaanbaxayaasha dalka Myanmar oo baxsaday

by admin | Tuesday, Mar 9, 2021 | 354 views

Boqolaal ka mid ah mudaaharaadayaasha Myanmar oo “lagu xannibay” gudaha hal degmo oo ka tirsan magaalada Yangon ayaa loo oggolaaday inay baxaan ka dib isku dhac habeenki dhex maray.
Dhaqdhaqaaqayaashu waxay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters maalintii talaadada in dhowr mudaaharaadayaal ah ay awood u yeesheen inay baxaan kadib markii ay ku xayireen ciidamada amaanka degmada Sanchaung, halka qoraalo baraha bulshada ay ka soo saareen banaanbaxayaasha ay ku sheegeen inay awood u yeesheen inay siibtaan aroortii hore ka dib markii booliska ay ka baxeen aaga.

Shar Ya Mone oo u ololeeya arrimaha dhalinyarada ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee Reuters maalintii talaadada in ay ku xayirneyd dhisme ay la degtay ilaa 15 ilaa 20 qof oo kale laakiin hada ay awood u yeelatay in ay guryaheeda aado.
Laakiin sidoo kale waxaa jira warbixino sheegaya in ugu yaraan 50 qof oo aaggaas ku xirnaa bilaa amarro galinkii dambe ee Isniinta ilaa subaxnimadii Talaadada ay baxsadeen.
Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay shakhsiyaad katiinadeysan oo ay ku hareeraysan yihiin booliska iyo ciidamada amniga oo ku labisan dharka dagaalka.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada amaanka lagu soo warramey in ay baarayeen guryaha isla markaana ay ridayeen qoryo iyo bam gacmeedyo iyadoo ay ugu hanjabeen dadka degan Sanchaung in ay ciqaabi doonaan cidii lagu qabto iyada oo gabbaad siinaysa banaanbaxayaasha Bandow waqtiga habeenkii ah ayaa jiray toddobaadyo.

Like it? Share it!

Leave A Response