Cabdirashiid Janan oo lagu xiray garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho

by admin | Saturday, Aug 31, 2019 | 568 views

Booliiska Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku xiray wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Nuur Janan, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen shabakada reegaay.com  Cabdirashiid Janan ayaa waxa uu ka yimid deegaanka Doolow ee gobolka Gedo, waxaana uu ku socday magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo Muqdisho ka raaci lahaa diyaaradda Ethiopian Airlines, sida aan xogta ku helnay.

Go’aanka dowladda Soomaaliya ee ah in diyaarad kasta oo ka baxeysa ama tageysa Kismaayo ay soo marto Muqdisho ayaa Janan ku qasbay inuu Muqdisho yimaado, maadaama haddii uu tagi lahaa Kismaayo oo uu halkaas ka bixi lahaa uu sidoo kale ku qasbanaan lahaa inuu Muqdisho soo maro.

Cabdirashiid Janan ayaa waxaa loo haystaa xadgudubyo lagu eedeeyey inuu horey uga gaystay gobolka Gedo, oo ay ka mid yihiin xasuuqa shacabka, waxaana jirta dacwado ay horey ugu soo oogtay xeer ilaalinta qaranka balse aan la fulin oo hab siyaasadeed loo maareeyey.

Like it? Share it!

Leave A Response