Cabdiraxmaan Cirro: “Waxa ka socda Laascaanood ma ahan arrin la aqbali karo”.

by admin | Saturday, Dec 31, 2022 | 214 views

Cabdiraxmaan Maxamed Cirro, Musharraxa Xilka Madaxweynaha Somaliland ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi usoo jeediyay in ay Ciidamada ka dulqaaddo Shacabka Magaalada Laascaanood.

Cirro ayaa sheegay in dibadbaxyada rabshada wata & falcelinta Ciidamada ku dhaawaceen kuna dileen Dadka rayidka ah aanay habbooneen maadaama Shacabka Laascaanood ay la daalaadhacayaan amni darro & dilal loo geystay Dadka haldoorka u ah.

Golayaasha Guurtida & Wakiilada Somaliland ayuu Cabdiraxmaan Cirro ugu baaqay in ay farageliyaan si loo gacan qabto Xukuumadda oo dhibaato u geysaneysa Dadkii ka sugayay in amnigooda xaqiijiso waa sida uu hadalka u dhigay.

“Arrintaas waa axmaqnimo, Xukuumadda waxaa la rabay in ay soo qabo dadkii Hadraawi dilay balse kama sugeyn in ay disho 10 kale, wax la aqbali karo ma ahan arrimahaas, Xukuumadda waxaa ku waajib ah in ay amniga sugto magaaladana culeyska ka qaado iyada amniga la sugaayo, Golayaasha Guurtida, Wakiilada, Culimada & Haldoorka waxa aan usoo jeedinayaa in aan la dhayalsan” Cabdiraxmaan Cirro.

Musharraxa Xisbiga Mucaaradka Waddani ee Xilka Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa soo jeediyay in lala xisaabtamo mas’uuliyiinta bixisay amarka lagu dhibaateeyay Dadka Shacabka.

Like it? Share it!

Leave A Response