Carruur Soomaali ah oo lagu la’ yahay magaalada Qaahira

by admin | Thursday, Apr 7, 2022 | 347 views

Waxaa wali la baadigoobayaa laba wiil oo ka mid ah saddex carruur Soomaali ah oo lagu waayay Magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana carruurtan ay da’doodu tahay 12 jir iyo 14 jir, iyadoo ay ugu war dambeysay markii ay iskuulka aadeen.

Mid ka mid ah saddexda carrurta ah oo ahayd gabar ayaa la helay habeenkii xalay iyadoo bedqabta kadib baadi goob ay u galeen laamaha Amniga Magaalada Qaahira iyo Qoyskeeda.

Laamaha amniga ee magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa wali ku jira baadigoobka labada wiil ee wali maqan, kuwaas oo la la’yahay halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar Ismaaciil Cabdi ayaa sheegay in maqnaanshaha Carruurta loogu sheegay in la afduubtay balse markii dambe la ogaaday inay kala lumeen xilli ay u dhawaayeen Iskuulka

Like it? Share it!

Leave A Response