Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Guddoomiyaha guddiga ka hortaga HIV/AIDS-ka ee Soomaaliya Axmed Maxamed Jimcaale ayaa shaaca ka qaaday iney si aad ah u sii kordhayaan dadka uu soo ridanaayo Cudurka HIV/AIDS-ka. ⓘ Wuxuu sheegay guddoomiye Jimcaale in lixdii bilood ee la soo dhaafay laga helay xanuunka HIV/AIDS-ka dad gaaraya 11 kun oo qofood, taasi oo muujineysa inuu si aad ah ugu faafayo xanuunkaan...

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka dhacay banaanbaxyo waa weyn oo looga soo horjeedo dhibaatada Israa’iil ay ku hayso dadka reer Falastiin. ⓘ Dadweynaha ka qeybgalay dibadbaxa oo isaga kala yimid degmooyinka kala duwan ee Muqdisho ayaa si weyn u muujiyay dareen ahaan sida ay uga xun yihiin duqeymaha diyaaradaha Israa’iil ka...

Waxaa Saakay hakad ku jira dhamaan howlahii duulimaadyada diyaaradaha imaan jiray, kana duuli jiray garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne, kadib roobaab xoogan oo dhowr saacadood oo xiriir ah Xalay ka da’ay gudaha iyo daafaha Baledweyne. ⓘ Roobabka Xalay ka da’ay gudaha magaalada Baledweyne iyo deegaanada ku dhawdhaw ayaa sababay in...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Joacim Waern. Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa waxa ay uga wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Sweden ka taageerto...

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Gobaleedka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shirguddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada. Shirka Golaha Wasiirrada ayaa tobaadkan looga hadlay Amniga, Ansixinta Miisaaniyadda sanadka 2024, Ansixinta Xeerka Kheyraadka Macdanta iyo qodobo kale. Golaha Wasiirada Dowladda Gobaleedka...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, halkaas oo ay si heer sare leh ugu soo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada. Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku saleysan dardar gelinta qorshaha wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo dhawaan ka bilaaban doona deegaannada...

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in ay si rasmi ah u aqoontay maamulka KMG ah ee SSC-KHHAATUMO oo fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Wasiirka arrimaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo uu hareero taagan yahay hoggaamiyaha KMG ah ee SSC ayaa ku dhowaaqay go’aanka kasoo baxay dowladda. Shir jaraa’id oo ay wada qabteen...

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ay ku jiraan Madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaarayaal hore ayaa bayaan ay soo saareen waxay si adag uga horyimaadeen hadal dhawaan uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Jimcihii hore khudbad uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ugu adkeystay heshiiska golaha wadatashiga qaran, kaasi oo dhigayay in laba...

Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, ayaa galabta xilliga Muqdisho 5:00 PM lagu wadaa in Golaha Ammaanka ay kulan yeeshaan, kaas oo ay uga hadlayaan xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. Kulanka ayaa la filayaa in ay qudbad ka jeediso Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing, oo muddooyinkii ugu dambeeyey safaro ku kala tagtay qaar ka mid...

Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi ayaa saldhigii ay ku lahayeen degamada Raage ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku wareejiyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. ⓘ Munaasabad ka dhacday gudaha saldhiga degmadaas oo ay ciidanka ATMIS ku wareejinayeen saldhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Saraakiil ka tirsan howlgalka ATMIS,...