Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Madaxwayne ku-xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qoraal uu soo saaray kusoo dhaweeyay magacaabista xoghayaasha cusub ee maamulka Khaatumo ee xalay lagu dhawaaqay. Axmed Karaash ayaa sheegay isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca maamulka  Puntland uu soo dhaweenayo hambalyana u dirayo xoghayayaasha cusub ee golaha fulinta SSC-Khaatumo. Madaxweyne...

Maxkamadda darajada koobaad ee Ciidanka qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiigle, Xamsa Jeylaani Cabdullaahi oo ka tirsanaa AL-Shabaab. Xamsa ayaa horay u dilay taliyihii Ciidanka nabad sugidda deegaanka Buufoow bacaad ee gobolka Shabeellada hoose Xasan Cusmaan Cali, markii uu gaarigiisa u geliyay miino nooca gaadiidka lagu xiro ah.     Xamsa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad kulankiisa 25-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Kulanka maanta ayaa ajandihiisu ahaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Qaxootiga Qaranka iyo taageerada Musharraxnimadda...

Kooxaha gurmadka ee Liibiya ayaa la tacaalaya sidii ay u soo saari lahaayeen meydadka iyo dhibbanayaasha kale ee ay la tageen daadadka xawliga u soconaya ee uu keenay Sunami u eekaha ah halkaas ka dhacay. Ugu yaraan 2,300 ayaa ku dhintay, sida laga soo xigtay maamulka ambalaasta ee Derna, oo ah magaalada ugu daran ee ay saameysay. Labo biyo-xidheen iyo afar buundo ayaa...

Maamulka goboleedka Galmudug ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ay afduubteen dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa degaanadii dhawaan laga xoreeyay ee gobolka Galgaduud. ⓘ Wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax  fiidow oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa nasiib darro ku tilmaamay in muddo 7 cishe ka badan ay haawanayaan degaanadii laga saaray...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo saakay ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, kasoo jugtiisa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir. ⓘ Qaraxaan ayaa la sheegay inuu ahaa mid loo adeegaaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasoo ka dhacay barkoontarool oo ay ku sugnayeen ciidamada Boliisa Milataare ee qeybta...

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel garas ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay qarax ku burburiyeen Ceel biyoodkii ugu weyna deegaankaas. ⓘ War kooban oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kooxdu qaraxa ku xirtay Ceel biyoodka ka hor inta aysan ka bixin deegaanka, islamarkaana uu ku dhintay qaraxaas qof shacab...

Howlgalka ATMIS ayaa war saxaafadeed kasoo saaray shaqaaqo sababtay dhimasho, taasoo axadii ka dhacday halka loo yaqaano Madiino Gate oo ah illinka hore ee xerada Xalane. ⓘ Ciidamada ATMIS ayaa toogasho ku dilay nin dhallinyaro ah oo ay sheegeen inuu doonayay inuu si xoog ah ku galo xarunta Xalane, iyagoo sheegay ka hor inta aan la toogan inuu tooreey ku dhaawacay...

Ciidamada Booliska ee Maamul Gobaleedka Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dilka dhakhtar Sakariye Cabdi Jaamac, kaas oo aano qabiil loogu dilay goobtiisa caafimaad oo ku taal Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Gado. Sarkaal ka tirsan booliska maamul gobaleedka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay weli wadaan baaritaanka, isaga oo sii sheegay in ay...

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa waxaa ay hadda kaabiga ku hayaan degmada Wabxo ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno katirsan Al-Shabaab. Sidoo kale, Ciidamada Guutada Cali Bin Abii Daalib ee uu hoggaamiyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik iyo kuwo degaanka oo maalmihii la soo dhaafay kusii siqayay degmada Wabxo...