Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga 3aad kulankiisa 22aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Kulanka maanta ayaa ajandihiisu waxa uu ahaa akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, qeybinta warbixinta akhrinta 2-aad...

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu tago degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas uu ka bilaabi doono abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee joogta degmooyin katirsan Galgaduud. Ergayga gaarka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh  u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Maxamed Cabdi Waare, ayaa...

Maxkamadda derajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah ku riday askari katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya, kaa oo dil bareer ah u geestay askari kale oo isna katirsanaa ciidanka xoogga dalka. Dable Boolis Ibraahim Cabdi Nuur Ibraahim ayaa lagu helay in dil kas ah uu u gaystay marxuum Ex Sadaxle Xoogga Abuukar Xassan Cusmaan, halka uu dhaawac...

Midowga Afrika ayaa wada qorshe ku aadan sidii dalka ay uga bixi lahayeen ciidanka ATMIS , si amniga dalka guud ahaan ay ula wareegaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Ciidanka ATMIS ayaa qorshuhu yahay in ay dalka baneeyeen dhamaadka bisha December markaas oo ciidanka Dowladda Soomaaliya ay la wareegi doonaan amniga dalka. Laakiin hadda waxaa soo baxaya in  Dowladda ...

Ciidamada booliiska saldhigga degmada Dayniile ayaa ku guuleestay in ay saakay barqadii fashiliyaan gaari nuuca raaxada ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay , kaa oo ciidamada qabteen kahor inta uusan qarxin. Gaariga oo ciidamada ka shakiyeen ayaa lagu qabtay dhul bannaan oo kuyaalla qeybo kamid ah degmada Dayniile , waxaana booliiska oo baaritaano wada halkaasi ku...

Askari ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa goor dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay mid kamid ahaa dhallinyarada ku shaqeysata Mootada laba lugaaleyda ah ee loo yaqaano Fekomta. Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Askariga uu darawalka u dilay muran la xiriira lacagta Canshuurta ee sida billaha...

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay hawgal ka dhacay deegaanka Towfiiq ee hoostaga degmada Kuntuwaaray ee Gobalka Shabeellada Hoose in lagu dilay in ka badan 20 ka tirsan Al-Shabaab. Qoraal kooban oo lagu daabacay wakaaladda wararka ee SONNA ayaa lagu yiri, “In ka badan 20 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal aad loo qorsheeyay...

In ka badan 840,000 qof oo u dhashay dalka Afghanistan oo codsaday barnaamijka dib u dejinta Maraykanka ee lagu taageero dadka reer Afghanistan ee la soo shaqeeyey ciidamada Maraykanka, ayaa illaa haatan sugaya sidii ay u heli lahaayeen dib u dejinta Maraykanka, sida lagu sheegay warbixin cusub oo la soo saaray. Warbixintan oo Khamiistii uu sii daayey kormeeraha guud ee...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay dhismaha wadda Laami ah oo laga hirgalin doono Waddada Ciise Cabdi ee degmada Deyniile oo ka bilaabato Isgooska Ifka Xalane islamarkaana sii marta xaruntii hore ee idaacadii Hornafric. Dhagax dhigan waxaa goob Joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maaliyadda...

Qarax aad u xooggan oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka laamiga Asluubta gaar ahana dhinaca degmada Dayniile. Sida aan wararka ku helnay qaraxa ayaa ahaa mid laga soo buuxiyay gaari, waxaana wararka hordhaca ah aan heleyno sheegayaan in uu ku qarxay goob ay ciidamada ammaanka ku celiyeen gaariga. Lama oga...