Safiirka UK oo la kulmay Madaxweynaha Puntland.

by admin | Sunday, May 5, 2024 | 15 views

Safiirka UK ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, ayaa toddobaadkan magaalada Garoowe kula kulmay madaxwynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay ka wada hadleen arrimo muhiim ah oo ay ka mid tahay dib u habeynta dastuurka dalka.

Intii uu socday kulanka ayaa safiirka iyo madaxweynaha waxa ay ka wadahadleen iskaashiga UK iyo Puntland, iyagoo ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in laga wada hadlo arrimaha muhiimka ah sida dib u habeynta dastuurka iyo in la sahmiyo siyaabaha UK ay uga taageeri karto kobaca dhaqaalaha gobolka.

Iyada oo qayb ka ah saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah, dawladda UK waxay doonaysaa in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo madaxda dawladda federaalka si loo soo celiyo wada shaqayntii labada dhinac.
Dowladda Federaalka ayaa dhawaan sheegtay inay dadaal badan ku bixisay sidii loo hagaajin lahaa xiriirka Puntland.

Bishii la soo dhaafay, maamul-goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay inuu ka baxay nidaamka federaalka ee dalka, iyadoo door biday inay si madax-bannaan u maamusho tan iyo inta laga ansixinayo wax-ka-beddelka dastuurka ee ay soo jeedisay dowladda dhexe, iyadoo loo marayo afti guud oo dalka oo dhan ah.

Baarlamaanka federaalka ayaa ansixiyay dhowr isbedel oo dastuuri ah oo ay dowladdu sheegtay in ay lagama maarmaan tahay si loo helo nidaam siyaasadeed oo xasilloon.

Like it? Share it!

Leave A Response