Dowladda oo dib u dhigaysa qorshaha ka bixitaanka dalka ee ATMIS

by admin | Saturday, Sep 2, 2023 | 178 views

Midowga Afrika ayaa wada qorshe ku aadan sidii dalka ay uga bixi lahayeen ciidanka ATMIS , si amniga dalka guud ahaan ay ula wareegaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka ATMIS ayaa qorshuhu yahay in ay dalka baneeyeen dhamaadka bisha December markaas oo ciidanka Dowladda Soomaaliya ay la wareegi doonaan amniga dalka.

Laakiin hadda waxaa soo baxaya in  Dowladda  Soomaaliya ay doonayso in dalka sii joogaan ciidanka muddo kale si ay isku diyaariyaan ciidanka Soomaaliya ee la wareegaya howlgalada ATMIS.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sababta ay dowladda Soomaaliya dib ugu dhigtay qorshaha la doonayay in dalka laga saaro ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Africa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dib-u-dhigaas ay ugu wacneyd heshiiskii qorshaha bixista ciidamada ATMIS oo aan ka hirgelin dhanka dowladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo iyo dhanka Midowga Afrika iyo deeqbixiyeyaasha.

In la kordhiyo awoodda ciidan iyo qalabka ee ATMIS iyada oo la siinayo taangiyo cusub iyo diyaaradaha dagaal ee qumaatiga u kaca

In dowladda Soomaaliya ay abuurto ciidan xoogan oo Soomaaliyeed oo hanan kara amniga dalka oo bedella kuwa nabad ilaalinta

Hase ahaatee Labada qodob oo aan hirgelin ayaa ugu wacanaa dib u dhiga bixitaanka ciidamada Midowga Afrika. Laakiin hadda waxaa dalka ka baxay qiyaastii saddex kun oo askari oo ka tirsanaa ciidamada ATMIS

Like it? Share it!

Leave A Response