Xukun dil ah oo lagu riday askari dil u geestay nin lacag deyn ah ku lahaa

by admin | Saturday, Sep 2, 2023 | 170 views

Maxkamadda derajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah ku riday askari katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya, kaa oo dil bareer ah u geestay askari kale oo isna katirsanaa ciidanka xoogga dalka.

Dable Boolis Ibraahim Cabdi Nuur Ibraahim ayaa lagu helay in dil kas ah uu u gaystay marxuum Ex Sadaxle Xoogga Abuukar Xassan Cusmaan, halka uu dhaawac u geestay  dhibane Xaajiyo Siidii Shiiq, dilka iyo dhaawaca ayaana ka dhacay Baraawe sannadkii hore .

Dilka ayaa sababay muran la sheegay in uu soo kala dhaxgalay marxuumka iyo askariga dilka geestay, muranka ayaana salka ku haayay lacago dayn ah oo gacan-ku-dhiiglaha  lagu lahaa, isagoona marxuumka ku dhuftay labo xabadood.

Garsoorka maxkamadda ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Dable Boolis Ibraahim Cabdi Nuur Ibraahim dil toogasho ah, taasoo ah qisaasta Sadaxle Xoogga Abuukar Xassan Cusmaan Xaayoow.

Maxkamadda derajada koobaad ee ciidanka qalabka sida ayaa sheegtay in xukunsanaha uu heesto fursad uu racfaan uga qaadan karo xukunka  dilka ah ee maanta ku riday maxkamadda ciidamada.

Like it? Share it!

Leave A Response