Dhageyso:-Maamulka Degmada Jowhar oo ku Baaqay In Loo Gurmado Dadka Ay Saameysay Fatahaada

by admin | Sunday, May 5, 2024 | 16 views

Wabiga Shabeelle ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu fatahaad ka sameeyay degaano hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle, kaas oo saameeyay Beeralaeyda ku nool tuulooyinkaas.

Deegaannada uu wabiga ka fatahay ayaa waxaa ka mid ah Tuulada Bayaxaw baareey , iyad aoo inta badan dadkii ku noolaa ay i ka baraceen,sidoo kale Wabiga uu saameeyay dagaalyo dhowr ah oo ku yaallay Beeraha tuulooyinkaas.

Guddoomiyaha degmada Jowhar Cismaan Maxamed Mukhtaar {Baareey} oo ka hadlay saameynta ka dhalatay fataahada ayaa sheegay in lagu guuleystay xeritaanka Fatahaadda Webiga Shabelle uu ka sameyey deegaano badan oo hoos yimaado degmada.
Waxaa sidoo kale uu sheegay in dadkii horay uga barakacay tuulooyinka duleedka Magaalada Jowhar ay dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah ku heystaan degaano kale,waxaana dowladda Federaalka iyo Maamulka Hir-Shabeelle uu ka codsaday inay gurmad la soo gaaraan.

Horay degmooyin iyo degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad ka sameeyey,waxaana degaannada qaar ka barakacay dadkii deganaa,kuwaas oo tegay tuulooyin iyo degmooyin ka badbaaday fatahaada

Bashiir Abdulahi Osmaan ayaa soo jeedinaya.

Like it? Share it!

Leave A Response