Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya.

by admin | Sunday, May 5, 2024 | 19 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Danjire Axmed Juma Al Rumaithi.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga labada dal, sida lagu sheegay war murtiyeed laga soo saaray kulanka.

Barre, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa uga mahadceliyey Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Danjire Axmed Juma Al Rumaithi booqashada uu ku yimid xafiiskiisa.

Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dalalka xiriirka dhow la leh dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ka taageerta dhanka tababarada ciidamada, sidoo kalena ay ka qeyb qaadato wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah.

Like it? Share it!

Leave A Response