Laamaha dambi baarista ee CID-da oo sii daayay toban eedeysane oo horay loogu heystay dilka Madaxii hore ee Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya.

by admin | Sunday, May 5, 2024 | 15 views

Laamaha dambi baarista ee CID-da ayaa sii daayay toban eedeysane oo horay loogu heystay dilka Madaxii hore ee Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya Naasir Muuse Cabdiraxmaan oo loo yaqaan Dahable.

Go’aanka lagu sii daayay eedeysanayaasha ayaa yimid kadib baaritaan ay si wada jir ah u sameeyeen khubaro Soomaali ah oo ku takhasusay dambi baarista, waxaana gacan ka geystay sheybaarka dambi baarista ee Booliska Turkiga. Baaritaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay in “ma jirin cadeymo la taaban karo oo shaqsiyaadka la sii daayey la xiriirinaya dembiga dilka.”

Qoysaska shaqsiyaadka la xiray oo ay wehliyaan wakiiladooda sharciga, ayaa u ololeynayay in si degdeg ah loo xalliyo kiiska, iyaga oo soo xiganaya cadeymaha cusub ee laga helay sheybaarka dambiilayaasha. Waxay ku booriyeen in si degdeg ah loo sii daayo eedaysanaha iyadoo la eegayo natiijada baaritaanka.

Arintaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo dhawaanahan uu khilaaf ka dhex taagnaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Todobaadkii hore, Maamulka Somaliland ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay si xun ula dhaqmeen Xildhibaanada Baarlamaanka ee booqday shaqsiyaadka la xiray, iyagoo dalbaday in si deg deg ah loo sii daayo.

Siidaynta tobanka tuhmane waxay muujinaysaa isbedel wayn oo ku yimid baadhista, taasoo muujinaysa muhiimada ay leedahay in si qotodheer loo baadho iyo nidaamka cadaaladeed ee dacwadaha dambiyada. Waxaa

Iyadoo ay socdaan baaritaano ku aadan dilka Naasir Muuse Cabdiraxmaan, ayaa Eedeysanayaasha la sii daayay hadda yihiin kuwo xor ah oo la sugayo wixii ka soo kordha kiiska. Maamulku waxa uu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la sii wado wada shaqeyn iyo ka feejignaan wax ka qabashada falalka dambiyada iyo ilaalinta sharciga dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response