Duqa Muqdisho oo sheegay in lala xisaabtami doona shirkadaha ka shaqeeye dhismaha

by admin | Saturday, Sep 2, 2023 | 130 views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay dhismaha wadda Laami ah oo laga hirgalin doono Waddada Ciise Cabdi ee degmada Deyniile oo ka bilaabato Isgooska Ifka Xalane islamarkaana sii marta xaruntii hore ee idaacadii Hornafric.

Dhagax dhigan waxaa goob Joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ciise Maxamud Guure iyo xildhibaano katirsan DFS, waxaana mashruuca dhismahaan qeyb ka ah barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal dollar, iyada oo la kaa shanaayo bulshada reer Deyniile.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay u midoowaan horumarka Caasimadda iyo taageerada howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobollada dalka.

Duqa Muqdisho Madaale ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu kontorooli doona tayada dhismaha waddaan iyo guryaha, isaga oo carabka ku adkeeyey in Maamulkiisa uu la xisaabtami doona shirkadaha dhismaha.

Hadalkaan ka soo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku soo aadaya kaddib markii August 31, 2023-ka guri dabaq ah oo ku yaala Suuqa Bakaaraha uu dumay kaas oo dhismihiisa dhexmarayay, sababayna dhimasho 3 qaf.

Like it? Share it!

Leave A Response