Qarax aad u xooggan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

by admin | Saturday, Sep 2, 2023 | 154 views

Qarax aad u xooggan oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka laamiga Asluubta gaar ahana dhinaca degmada Dayniile.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa ayaa ahaa mid laga soo buuxiyay gaari, waxaana wararka hordhaca ah aan heleyno sheegayaan in uu ku qarxay goob ay ciidamada ammaanka ku celiyeen gaariga.

Lama oga ilaa hadda khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxan goordhaw dhacay, waxaana goobta qaraxa ka dhacay gaaray oo baaritaanno kawaa ciidamo katirsan booliiska iyo nabad sugida.

Waxii warar kusoo kordha qaraxan kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Like it? Share it!

Leave A Response