Wasiir Fiqi: Saldhiggii Khawaarijta ee Dumaaye oo hoos tagta Xarardheere saakay gebi ahaan wuu basbeelay

by admin | Saturday, Sep 2, 2023 | 101 views

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in duqayn lagu burburiyay saldhiggii kooxda Alshabaab ee Dumaaye oo hoos tagta Xarardheere.

Wasiir arrimaha gudaha, Mr. Fiqi, ayaa farriin uu soo bartiisa Facebook wuxuu ku sheegay in gebi ahaan uu basbeelay saldhigga la weeraray.

“Saldhiggii Khawaarijta ee Dumaaye oo hoos tagta Xarardheere saakay gebi ahaan asaga iyo wixii ku jirey waa isku bas beeleen,” ayuu yiri wasiirku.

Deegaanka Dumaaye ayaa qiyaastii 50 km dhanka waqooyi ka xiga degmada xarardheere ee gobalka Mudug. waana degaan muhiim ah oo Shabaabku ku lahaayeen saldhigyo waawayn.

Degaankan ayaa lagu xasuustaa inay horey ugu dagaalameen Alshabaab iyo dadka degaanka ee xoolo dhaqatada ah, kuwaas oo ka horyimid awaamiir ay kusoo rogeen Alshabaab.

Weerarkan ayaa kusoo aaday xilli Alshabaab ay degaano hoos yimaada degmada Xarardheere ka wadeen is urursi, iyadoo laga cabsi qabay inay weerar kusoo qaadaan degmada Xarardheere.

Alshabaab ayaa bilaabay inay isku fidiyaan degaanadii ay ciidamadu ka baxeen ee gobolka Galgaduud, taasoo dhabar jab ku noqotay howlgallada dib u xoraynta ee Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xalay sheegay in ciidanka dowladda dib loo abaabulay ayna ku laabanayaan furimaha.

Like it? Share it!

Leave A Response